Baydhobo(INO)- Kulan kaan Ayaa Waxaa Uu Ka dhacey Hotelka Bayern Munich Ee Magalada Baydhabo Janaay Ee Xarunta Gobolka Bay Waxaan Ka soo Qeybgaley Masuulin Ay Iskugu Jiraan Wasiiro Iyo Xildhibaano Ka tirsan Koonfur Galbeed Mas’uulin Kasocdey Jaamacadaha Magalada Baydhabo, Odiyaal,Dhalinyaro,Habeen Iyo Marti Sharaf Kale Oo Kulankaasi Lagu Casuumey.
Mas’uulintii Iyo Dadkii Kale Ee Kasoo Qeybgaley Kulankaasi Ayaa Waxaa Si Aad Ah Ay Uga Hadleen Faa’idada Ay Leedahay Dhirta Taasi Oo Ay Ku shegeen Iney Waxtar Weyn Ay U leedahay Dadka Iyo Duunyada Kale.
Ugu Horeyntii Halkaasi Ayaa Waxaa Hadal Kooban Kasoo Jeediyey Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta Iyo Daaqa Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed C/qaadir Cali Koofi Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Ay Ka hortagi Donaan Dadka Wada Jarida Iyo Gubida Dhirta Waxaan Uu Sheegey In Marna Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta Iyo Daaqa Ay Uy eeli Doonin In Lajaro Dhirta Ama Lagubo.
Dhanka Kale Wasiir Kuxigeenka Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Wasaaradiisa Ay Wax Ka qaban Doonta Dadka Uqaarsada Xeywaaniyaasha Ay Ku Nool Yihiin Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Dhanka Kale Kulankaani oo Kadhacay Hotelka Bayern Munich Ee Magalada Baydhabo Janaay Oo Looga Hadlaayey Ka hortagida Jarida Dhirta Iyo Badbaadinta Degaanka Ayaa Waxaa Ka Hadley Wasiirka Wasaarada Shaqada Iyo Shaqaalaha Dowlada Koonfur Galbeed Jeylaani Sheekh Maxamed Iyo Masuulin Kale,Waxaana Ay Kahadleen Sidii Looga Hortagi lahaa Dadka Ka ganacsada Dhirta Sidii Wax looga Qabanlahaa Loona Siinla haa Shaqo Iyo Wacyigalin.
Halkan Ka Dhageyso
W/Q:Wariye Siidcali Muuse Mxamed
Warqabadka Xafiiska Magalada Baydhabo