Dhageyso:Waa Sidee xaalada Caasumada Soomaaliya Ka Dib Weeraro Xalay Lagu Qaaday?

0
243

Muqdisho(INO)– Inkastoo ay wali aroor tahay Wariyaasha ayaa tagay goobtii ay xalay weerareen kooxda Shabaab ee ka dagaalanta Koonfurta Soomaaliya, waxaana guud ahaanba ay soo sheegeen Wariyaashu in uu burbur baahsan ka muuqdo labada Hotelba, ayna adag tahay in aad garato meelaha qaarkood sida ay noqdeen.

Qaraxyadii ay Shabaab uadeegsadeen galida Hoteladaas iyo markii dambe oo ay gudaha isku qarxiyeen ayaa burburiyey dhismayaasha Hotelada qaarkood, waxaana si weyn saameyn ugu yeelatay xaafadaha dariska ah iyo goobaha muhiimka ah ee udhaw.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya sida ay Shabaab ugu suuragashay in Hoteladan oo amaankooda aad loo adkeeyo ay Shabaab weeraraan, waxaana la sheegay in Ilaalada Hotelada qaarkod ay ka maqnaayeen goobahooda shaqada.

Khasaaraha ka dhashay ayaa kooban sida muuqata, waxaana ay dawladdu shegtay in ay dhinteen dad aan gaaraneyn 15 qof, waxa ayna sheegeen in ay Wasaaradda Caafimaadku keeni doonto xogaha dadka wax ku noqday.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here