Dhageyso:Weeraro Lagu Qaaday Ciidamada AMISOM Ee Degan Garoonka Ciyaaraha Ee Muqdisho

0
221

Muqdisho(INO)– Weeraro toos ah ayaa xalay lagu qaaday Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho halkaas oo ay degan yihiin ciidamada Midowga Africa ee AMISOM, waxaana aan la aqoon khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weeraradan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sidaas oo kale weeraro loo adeegsaday Garneelo ayaa lagu weeraray Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho iyo saldhiga ciidamada AMISOM ee udhaw, waxaana aysan bixin AMISOM waxba jawaab ah sidii horay looga batay.

Ma jirto Khasaare soo gaaray Shacabka oo laga soo wariyay Weerarka xalay lagu qaaday Garoonka Ciyaaraha ee  Muqdisho oo ah markii ugu horreeysay ee Bishan Ramadan la weeraro.

Ciidamada AMISOM ayaan waxba howlgal ah saaka ka sameyn meelahan, gar ahaana Xaafadaha udhaw dhaw, waxaana cabsi hor leh ay soo wajahday Shacabka magaalada Muqdisho markii ay xalay dhaceen weeraradan.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here