Muqdisho(INO) Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ka dhawaajiyey in la diyaariyey ciidan gaara oo ilaalin doona amniga goobaha muhimka ah ee dalka oo ay xiligan amnigooda gacanta ku hayaan ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.
Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. C/risaaq Khaliif Cilmi oo ka hadlayey munaasabad tababar loogu soo xiray Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo ka dhacday Xerada Jaziirada ee duleedka Muqdisho ayaa sheegay in la tababaray ciidan gaara oo hanan doona amniga dalka gaar ahaan xarumaha muhimka ah ee dalka.
Gen. C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa sheegay in ciidankan gaarka ah dhawaan loosoo gabagabayn doono tababar ay in muddo ah qaadanayeen,wuxuuna tilmaamay in ciidankani ay yihiin kuwo leh aqoon iyo tababar ku filan isla markaane ay hogaaminayaan Saraakiil aqoonyahanno ah.
Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka ayaa dhanka kale ballan qaaday in ciidanka qaranka Soomaaliyeed ay dalka guud ahaan ka xoreynayaa Al-shabaab inta aan la gaarin sanadka 2016ka,wuxuuna daboolka ka qaaday in la diyaarinayo Guutooyin ka tirsan xoogga dalka oo ay u dhamaystiran yihiin Saanadda Milateri iyo tababarka ay u baahan yihiin si ay dalka u xoreeyaan.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Muqdisho