Garoowe(INO) Gudigii ay madaxweynayaasha federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira u saareen iney xal ka gaaraan qodobo la isku mari waayey oo ku saabsanaa arimaha shirka Cadaado iyo qaybsiga khayraadka dalka ayaa ku kala tagay shir labadii maalmood ee lasoo dhaafay uga socday magaalada Garoowe iyaga oo aan wax natiijo ah ka gaarin.
C/wali Xirsi Cabdulle wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa ku dhawaaqay in Gudiyadii loo saaray xalinta qodobadii la isku hayey ay ku guul daraysteen iney arimahaas xal ka gaaraan,wuxuuna sheegay iney ku kala tageen shirkii u socday,walow ay wali magaalada Garoowe ku wada sugan yihiin Madaxweyne Xasan Sh iyo madaxweynayaasha dowlad gobolyeedyada dalka ka jira.
Wasiirka Warfaafinta Puntland oo goordhaweyd la hadlayey VOA ayaa ku eedeeyey dowladda Soomaaliya fashilka ku yimid wadahadallada Garoowe,wuxuuna sheegay in dowladu ay caadeysatay jabinta heshiis walba oo ay la gasho Puntland,isagoona shaaca ka qaaday in masuuliyiinta ka socday dowladda Soomaaliya ay diideen in heshiis rasmi ah la kala saxiixdo isla markaane ay ku adkeysteen in is afgarad shirka laga soo saaro.
C/wali Xirsi Cabdulle ayaa ku dhaliilay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud inuu jeediyey hadallo dhaawacaya heshiisyadii ay wada galeen dowladda federaalka iyo Puntland,wasiiradii dowladda Soomaaliya u matalayey Shirka Garoowe ayaa intooda badan dib ugu noqday Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online. Garowe