Kismaayo(INO)-Waxaa maanta ka degey magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka kumeel-gaarka ah ee Jubaland Raysalwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.
Raysalwasaaraha ayaa dib uga soo noqdey safar uu ku tegey dalka Maraykanka, waxaana uu ku soo laabashadiisi dalka ka soo bilaabey magaalada Kismaayo, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyey. Waxaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe iyo madax ka tirsan maamulkiisa, qaar kamid ah shacabka magaalada iyo waxgarad kale.
Safarka raysalwasaaraha ayaa la xiriira in la dhamaystiro kulamo horey oo uu la qaatey maamulka Jubba, si loo xaliyo khilaafka u dhexeeya Dowaldda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Jubba, kadib markii Xildhibaano ka soo horjeeda qaabka loo qaybsadey Gollaha Wakiilada ee Jubba ay Baarlamaanka Federaalka geyeen Mooshin, kaas oo sharci darro ku tilmaamaya Golaha Waakiilada ee Jubba.
Raysalwasaaraha iyo wefdigiisa iyo maamulka Jubba waxaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo uga furmey wada hadal albaabadu u xiran yhiin, shirkaas kadib waxaaa si wada jir ah saxaafadda ula hadley Raysalwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Madaxweynaha Jubba Axmed Maxamed Islaan.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Kismaayo