Baydhabo(INO)- Xaflad loo dhigay Arday ka qalin jabisay machadka IPC ee magaalada Baydhabo qiibtiisa Computer-ka Iyo Caafimaadka ayaa ka dhacday isla magaaladaas.
Xafladan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb gala boqolaal ka mid ah ardayda wax’ka barata Iskuulka IPC ee magaalada Baydhabo, qaar ka mid ah waalidiinta ardayda qalin jabinaysay iyo masuuliyiin ka kala yimid dhinacyada kala duwan ee bulshada iyo dowladaba oo ay ogu horeeyaam
Ardaydan maanta ka qalinjabisay Iskuulka ayaa waxay dhan yihiin tiradoodu 50 arday oo la barey Computerka iyo Caafimaadka.
Maamulaha Iskuulka IPC Axmed Aaden Cabdi (Axmed Badar) oo ka hadlay xafladan qalinjabineed ayaa wuxuu u mahad celiyay dhamaan qaybihi kala duwanaa ee ka soo qayb galay xafladan wuxuuna dhanka kale uu sheegay in ay ka go’antahay in si hagar la,aan ah uu iskuulka IPC ooga dharjin doono baahiyaha waxbarasho ee Computer-ka iyo Caafimaadka.
Waxa kale Goob ka Hadley qaar ka mid ah ka qiib galiyaasha Xaflada iyo ardeyda qalan jabineysey.
Ugu danbayntii waxay dhamaan dadwaynihii iyo culumaa’udiinkii ka soo qayb galay u riyaaqeen sidan wanaagsan ee uu maamulaha iskuulka isugu dhabar jabinayo soo saarista ardey tayo leh.