Dhageyso+Sawiro:Ciidamada amaanka Puntland oo khamri fara badan ku qabtay magaalada Garoowe

0
236

Garowe(INO)- Ciidamada amaanka maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigeen khamri lagu iibinayay mid ka mid ah xaafadaha magaalada Garowe

Khamrigaan oo dhan 12 kartoon ayaa waxay ciidamada amaanka sidoo kale qabteen shan nin oo ka ganacsada khamriga, waxaana lagu xiray saldhiga booliska magaalada Garoowe.Taliyaha booliska qeybta gobolka Nugaal Cabdirashiid Maxamuud Aw-xuseen (Xinjara-dhuuq) ayaa sheegay in ciidanku ay ku guuleysteen howlgalka gaarka ah oo ay ka sameeyeen Garoowe kuna soo qabteen Khamriga iyo dadkii watay.Ma ahan markii ugu horeysay ee magaalada Garowe lagu qabto khamri. waxayna Garowe, Khamrigaan la qabtay ayaa waxaa laga keenay dalka Itoobiya, iyadoo lasoo marsiiyay dhinaca dhulka.