Dhageyso+Sawiro: Koob Looga Magacdarey Nabada Iyo Is Dhexgalka Bulshada Oo Baydhabo Lagu Soo Gebo Gabeeyey

0
406

Baydhabo(INO)- Koob kubada cagta oo ay kutartamayeen tobanka xaafadood ee magaalada Baydhabo looguna magacdaray Nabada iyo isdhexgalka ayaa Baydhabo lagu soo gebagebeyey.

Koobkan loogu magacdaray nabadda iyo isdhexgalka  ayaa waxaa kutartamayey dhalinyarada isbortiga   tobanka xaafadood ee magaalada Baydhabo ,waxaana tartankan sooqabanqaabiyey wasaarada dhalinyarada iyo isbortiga koonfur-galbeed ,Hay adda Garedo,maamulka Degmada Baydhabo iyo Gudiga isbortiga KG ayadoo ciyartii gebagebeda ay kasooqaybgaleen wasiiro kasocday Koonfur-galbeed , gudoomiyaha degmada Baydhabo iyo masuuliyiin isboortisba.

Tobankii kooxood ee kutartamayey koobkan loogu magacdaray nabada iyo isdhegalka oo ugudanbeyntii iskusooharay labada kooxood ee kuciyaarayey magaca xaafadaha  Towfiiq iyo cadaada ayaa waxaa ay kusoo idlaatay 2-1 oo ay kubadisay xaafada Towfiiq koobkii nabada iyo isdhegalka halkaasi lagu gudoonsiiyey.

Intaasi katib Gudoomiyaha Gudiga isbortiga KGs Cabduqaadir Sharii Xirow gudoomiyaha Degmada Baydhabo Cabdulaahi Cali watiin iyo Wasiirka Dhaqancelinta iyo tababarada Maleeshiyaaska Xasan Xusen Eeley oo iyogu intii ciyaartu  socitay garoonka kubada kusugnaa ayaa  umahadceliyey cidkasta oo gacankageysatay ciyaarahan iyagoona amaan usiijeediyey kooxihii kaladuwanaa ee tartanka kaqayb qaaatay .

Waa markii ugu horeysey  tartan kubada cadta ay kutartamaan xaafadaha Magaalada Baydhabo laguqabto baydhabo tan iyo wixii katanbeeeyey Dowladii kacaanka.

 Halkan Ka Daawo Sawirada

01020303040506070809

Wariye Abshir Maxamed Nuur Mandella, Warbaahinta Idale News Online, Baydhabo

Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay