Dhageyso:Saraakiisha amniga kismaayo oo sheegay in amniga magaalada uu wanaagsan yahay

0
228

Kismaayo(INO)-Taliyaha Ciidamada nabad sugida Magaalada Kismaayo Axmed Cabdullaahi Ciise Gaas ayaa sheegay in amaanka magaalada Kismaayo uu iminka yahay mid la isku haleyn karo oo ka duwan xilliyadii hore. 

kismaayo

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in iminka aysan jirin dhibaatooyin loo geysto shacabka ku nool Magaaladaasi waxa uuna shacabka Magaalada Kismaayo ugu baaqay in ay si wanaagsan ula shaqeeyaan ciidamada amaanka.

Shalay ayay ahayd markii Ciidamada amaanka Magaalada Kismaayo ay gacanta ku dhigeen nin soo gashtay dharka dumarka oo lagu qabtay Magaalada dhexdeeda.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here