Guracel(INO)-Danjira dowladda federaalka Soomaaliya ee dalka Itoobiya Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo gaaray degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareb ee gobolka Galgaduud ayaa ka warbixiyey kulamo uu la qaatay dhinacyadii ku dagaalamay Guriceel iyo waxgaradka deegaanka.
Safiirka Soomaaliya ee wadanka Itoobiya Axmed C/salaan Xaaji Aadan ayaa sheegay inuu la kulmay dhammaan dhinacyada ku dagaalamay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud,wuxuuna sheegay iney si isku mid ah ugu ballan qaadeen iney dhaqan galinayaan heshiiska ay dhawaan gaareen.
Axmed C/salaan ayaa tilmaamay in magaalada Guriceel ay ka mid ahayd magaalooyin fara ku tiris ah oo ka badbaaday colaadihii sokeeye ee dalka ka dhacay,Danjiraha ayaa nasiib darro ku tilmaamay in deegaanka uu dagaal danbe ka dhaco.
Wuxuuna sheegay iney dhinacyada isla meel dhigeen qodobo dhowr ah oo ku saabsan sidii loo adkayn lahaa heshiiska la gaaray,Safiirka ayaa sheegay iney isku af garteen dhinacyada uu la kulmay ineysan deegaanka xabbad danbe ka dhicin.
Halkan Ka Dhageyso.
Safiirka ayaa sheegay iney muhim tahay In la helo ciidan Saddexaad oo dusha ka ilaaliya xabbad joojinta iyo in la abuuro jawi ay magaalada ugu soo noqon karaan shacabka ka barakacay dagaalka Guriceel oo wali ku dhiiran la’ iney guryahooda dib ugu soo noqdaan baqdin ay ka qabaan inuu halkaa markale dagaal ka dhoco,wuxuuna xusay in lagu guuleysto in magaalada la geeyo ciidanka nabad ilaalinta AMISOM.
Axmed C/salaab Xaaji Aadan Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa ugu danbayntii baaq u diray hay’adaha gargaarka caalamiga ah oo uu ka codsaday iney gurmad deg deg ah la gaaraan shacabka ku tabaalaysan degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.
Idale News Online, Guracel.