Dhageyso:RW Soomaaliya Oo Ka Hadlay Dilkii Wariye Da’uud iyo Xaaskiisii Loogu Geystay Baydhabo

0
255

Muqdisho(INO)- Raysalwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Amb Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo la hadlayay Warbaahinta gudaha ee magaalada Muqdisho ayaa cambaareeyey talaabadii magaalada Baydhabo dilka loogu geystay Wariye iyo Xaaskiisa magaaladaas gudaheeda habeen ka hor.

ccc

Raysalwasaaraha ayaa sheegay in ay dawladda Soomaaliya ka xun tahay tacadiyada loo geysto Saxaafada Soomaalida, wuxuuna tilmaamay in ay baaris ku hayaan falkaas oo ay dawladdu ka jawaabi doonto.

Raysalwasaaraha ayaa ku eedeyey dhinacyada ka soo horjeeda in ay leeyihiin masuuliyada leynta waxgalka Umada Soomaaliyeed, isagoo sheegay in ay doonayaan in ay dhameeyaan qof kasta oo Umaddan uhadli kara.

Mr Sharmaake ayaa ugu baaqay Bulshada oo dhan in ay taageeraan dadaalada dawladda Soomaaliya si dalka oo dhan looga saaro kuwa amaan darada wada, isagoo intaasi ku daray in ay dawladdu ubaahan tahay in lala shaqeeyo laamaha amaanka ee dalka.

Rag hubeysan oo aan la aqoonsan ayaa habeen ka hor Baydhabo ku dilay Wariye Daa’uud Cali Cumar iyo Xaaskiisa, xili ay jiifeen gurigooda ooku yaalay bartamaha magaalada Baydhabo, laamaha amaankuna cidna uma qaban dilkaas.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here