Dhageyso:RW, DF Soomaaliya Oo Gaarey Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay

0
251

Baydhabo(INO)- waxaa maanta  Soo  gaarey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay RW, Dowlada Federalka Soomaaliya Mudane  Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo wefdi  Ballaaran oo uu Hogaaminaayo.

RW, iyo Wefdigiisa waxaa Garoonka Diyaaraha Ee Shaati-Guduud Ku Soo dhaweeyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya,Qaar ka mid ah Gollahiisa wasiirada, Odayaasha Dhaqanka, Saraakiisha Ciidanka, Maamulka Gobolka Bay  iyo kan Degmada Baydhab.

RW, Soomaaliya oo hadal Kooban siyey wabaahinta ayaa sheegey u jeeda safarkiisa in uu daaran yahay sidii  uu u kuur gali lahaa Xaaladaha Amaanka Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo weliba in uu doonayo inu la kulmo Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Ku halan Dhismaha Baarlamanka oo heer gebo gebo ah marayo.

“ Waxaan halkan u imaadey in aan u kuur galo Xaaladaha Amaanka, Siyaasada, Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Sanad jirsadey in aan Dhageysto ra’yiga Shacabka Koonfur Galbeed, waxaan la kulumi doono Odayaasha Dhaqanka” ayuu yiri RW, CCC sharma’arke.

“ Ku soo dhowow Magaalada Baydhabo Janaay, mar hadii aad timaadey wax badan ayaan iska wareysan doona arimo badan, waxaan jiro Xulista Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Ciidamo Tababar loo soo xirey iyo Amaanka Soo hagaagey” Ayuu yiri Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Imaantinka RW, Dowlada Soomaaliya Ee Magaalada Bayadhabo ayaa ku soo beegmey Xilli Xukuumada uu hogaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aaden ay  Sanad Jirsatey, isla markaana ay socodaan Xaflado looga Dabaal dagayo sanad guurada Koowaad ee Dowladiisa, iyo Waxa xeer Gebo gebo ah maraya Xulista Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here