Marka ( INO)-Ugu yaraan 1 qof oo haweeney ahayd ayaa ku geeriyootay 3 kalana waa ay ku dhaawacmeen kuwaas oo 1 qoys ka soo wada jeeday.
Dadkaan ayaa waxaa saameeyay Roobab Dabeylo watay oo ka da’ay Deegaanka Gandarshe ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
“ Deegaankaan aan ku suganahay ee Gandarshe waxa ka dhacay Musiibo Rabaani ah, roob aad u Mahiigaan ah ayaa ka da’ay, 1 qof ayaa dhintay kuwa kalana waa ay dhaawacmeen, dadkaasi Gurigooda ayaa ku soo dumay” sidaas waxaa yiri Goob Jooge la hadlay IdaleNews.com
Roobabka ayaa sidaas si la mid ah waxa ay uga da’een qaar ka mid ah Gobollada dalka Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.