Kismaayo(INO)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo inta uusan ka soo tagin Magaalada Kismaayo ka hadlay Khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubba ayaa sheegay in marka hore loo baahan yahay in la Abuuro Kalsooni siyaasadeed.
Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Cumar C/rashiid Cali ayaa intaa ku daray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka in ay Magacaabayaan Guddi ka xaajooda Khilaafka Dowladda iyo Jubba.
Guddiga Labada Dhinac ay Magacaabayaan ayaa lagu wadaa in ay wada Fariistaan si Xal looga garo Khilaafka soo biloowday markii Baarlamaanka Soomaaliya ay kala direen Golaha Wakiilada Jubba.
Tagitaanka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Magaalada Kismayo ayaa wax badan ka badashay Arrintii Khilaafka,iyadoo la xasuusto in Khilaafka Dowladda iyo Maamulka Jubba laga dareemay Saameyntiisa Magaalada.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Kismaayo