Qansaxdheere (INO) – Guddoomiyaha degmada Qansaxdheere Aadan Cabdi ayaa sheegay in Maciishaddu ay sare u kacday, dadkuna ay hadda aad u adagtahay in ay helaan Raashin.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in Shabaab ay Cunaqabateeyeen Degmada, dadka ayuu sheegay in aysan Awood u laheyn in ay Cunnada u helaan sidii hore, Shabaabna ay Degmada Waddooyinka soo gala dhigeen Malleyshiyaad dhibaateeya gaadiidka Ganacsi ee halkaas gelaya.
Aadan Cabdi waxaa uu sheegay in Maamulka Gobolku uusan ku Guuleysan kaalin ka qaadashada dadka Gobolka Baay gaar ahaana Qansaxdheere Badbaadintooda oo uu sheegay in Maamulka Degmada lagu Fiirsaday isaguna uusan ku Filleyn.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online – Xafiiska Baydhabo