Muqdisho(INO)- Qarax Miino ayaa ka dhacay wadada Makka Al-mukarrama ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Taleex oo ku dhaw Aargada Km-4.
Qaraxa ayaa ahaa mid lagu xiray gaari nooca yar yar ah oo uu saarnaa mid ka mid ah Shaqaalaha shirkad duulimaad oo lagu magacaabo Dhayman, taas oo magaalada Muqdisho ka howlgasha.
Waxaa halkaasi ku geeriyooday shaqsigii gaariga saarnaa, iyadoo sidoo kale ay ku dhaawacmeen Laba ruux kale.
Qaraxa ka dib ayaa goobta waxaa gaaray ciidamada dowladda Federaalka, gaar ahaan kuwa saldhiga degmada Hodon oo uu horkacayo Taliyaha saldhigaasi Maxamed Daahir.
Halkan Ka Dhageyso Codka Maxamed Daahir.
Maxamed Daahir ayaa saxaafadda u sheegay in qaraxaan ay ka dambeeyaan sida uu sheegay Al-shabaab, waxaana uu tilmaamay in qofka lala eegtay qaraxaan uu ahaa shacab, isaga oo shacabka ugu baaqay in ay kaalin ka qaataan sidii loola dagaalami lahaa cid walba oo amniga dhibaato ku hayso.