Baydhabo(INO)Waxaa qaaban qaabo xoog leh ka socota maalmahan Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay iyo Degmooyin Ka Tirsan Gobolka Gedo oo looga dhawaaqaayo Maamul Goboleedka Ganaane State oo horey u jirey isla markaana haantan la doonaayo in dib boorka looga jafo dhismahiisa oo gooni uga go’an Maamulka Jubba.
Siyaasiga Nuur Maxamed Macalin (Burow) oo ka mid Ah Siyaasiyiinta ku hawlan dib u hawlgalinta Maamulka Ganaane State oo wareysi siyey Shabakadda Idale News Online,Ayaa sheegey in shacabka Degaanda Gobolada Jubooyinka Ee Asalka ku ahaa la dulmiyey isla markaana ay go’aansadeen in ay dhistaan Beelaha wada Dega Gobolada Jubbada dhexe, Jubadd Hoose iyo Gedo Maamul loo dhan yahay.
Sidoo kale Siyaasiga ayaa waxa uu meesha ka saarey in uusan jirin maamul la yiraahdo Jubba Ganaane state oo dhawaan looga dhawaaqey Magaalada Muqdisho, kaasoo uu xusey inuu ka dambeyey dhismahiisa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aden isla markaana lala dhigaayey Puntland iyo Maamulka Jubba oo ay taagyeereen Maamulka Bakool Sare oo lidi ku ah Koofur Galbeed Soomaaliya.
“ Wax la yirahdo Maamulka Jubba-Ganaane State, Ma jiro waxay ahaayeen dad lab la kac ah oo Maamulka Jubba u soo diidey Xildhibaanimo, waxaana ka dambeyey dhismahiisa Hogaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, annagu dhawaan waxaan ku soconaa Degaanada Maamulkeeyaga Ee Ganaane State” ayuu Nuur Maxamed Macalin
Maamul Goboleedka Ganaante State of Somalia Waxa ku bahoobay Beelo badan oo degan Gobolada Jubooyinka iyo Gedo, gaar ahaan Beelaha inta badan Asal ku ah Goboladaasi.
Qaban qaabada shirweyanaha iyo ergooyinka ka qeybgalaya kulanka Ee Maamulka Ganaante State dib looga howlgalinaayo ayaa socto, taasoo dhawaan si xoog leh u soo shaaxbixi doonto halka iyo madasha shirweynahaas uu ka dhici doono.
Ergadda iyo aqoonyahanada abaabulka wada maamul goboleedka Soomaaliyeed Ganaane State ayaa ugu baaqaya jaaliyadaha dibadda Ee Ka Soojeeda 3 Gobol, Dowladda Federaalka Soomaaliya & Beesha Caalamka in ay gacan ka siiyaan dhismaha iyo dib u hawl-galinta maamulka Ganaane oo gogashiisa dhawaan la fidin doono.
Ugu dambeyntii, Astaanta Calanka iyo Xeerka ku meel gaarka ah ayaa hadda ay u fadhiyaan diyaarintiisa Aqoonyahano si gaar ah loogu xilsaaray ka hor inta aanay ergooyinka isu imaan dhawaan, waxayna isku afgarteen aqoonyahanada astaanta calanka in la sameeyo.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Baydhabo