Muqdisho(INO)- Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jaawari ayaa ka codsaday guddiga doorashooyinka dadban in ay todobaadkaan ay kusoo dhameystiraan doorashada xildhibaanada dhiman ee Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi iyo sidoo kale doorashada xildhibaanada 5ta ah ee la qaadacay Natiijadii ay kusoo baxeen.
Gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in shaqadii baarlamaanka ay u xayiran tahay xubnahaas, islamarkaana uu codsanaayo in lasoo dadejiyo.
Jawaari ayaa sidoo kale xusay in Odayasha dhaqanka ee ay ka imaanayaan xubnahaasi looga baahan yahay in ay muujiyaan tanaasul ,madam ay u xayiran tahay shaqadii baarlamaanka Soomaaliya.
Afhayeenka Baarlamaanka ayaa ugu dambeyntii xubnaha ay dhiman tahay doorashadood iyo sidoo kale kuwa lagu laabanayo ka codsaday in ay ilaaliyaan nidaamka ay kusoo baxayaan si aan markale loogu laaban doorashadooda.
Doorashada xildhibaanada ayaa wali waxaa ka dhiman xubno doorashooda dib loogu laabanayo sidoo kale kuwo aan wali la dooran oo ay ka mid yihiin shanta xubnood ee ka dhiman Aqalka Sare ee Somaliland.