Afgooye(INO)- Maamulka Koonfur Galbeed ayaa faahfaahin ka bixiyay dhacdo xanuun badan oo shalay gelinkii dambe ciidanka AMISOM ay ka geysteen degaanka Calamada ee duleedka Muqdisho , islamarkaana xiga dhanka degmada Afgooye.
Gudoomiyaha degmada Afgooye Cabdinaasir Caalim Ibraahim ayaa sheegay in ay arintaasi ay kala hadleen Saraakiisha ciidanka AMISOM ee ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose ,islamarkaana ay kulan ka yeesheen.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in gacanta lagu dhigay ninkii waday Gaarigii jiiray Caasiga ay Saarnaayeen dadka Shacabka ah uuna ku xiran yahay Xabsi ku yaalla Xalane.
Sidoo kale waxaa uu tilamaamay in falkaaasi lagu lala xisaabtami doono ciidanka AMISOM.
Gawaarida Ciidanka AMISOM ayaa shalay dulmaray Gaari ay Saarnaayeen Dad shacab ah , waxana ka dhashay khasaare isugu jira Dhimasho iyo dhaawac .
Tacadiyada ciidanka AMISOM ay ka geysanayaan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sii korortay .