Muqdisho(INO)-Ra’isul Wasaaraha dowlada Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaarke ayaa soo dhaweeyay heshiiskii ay Muqdisho ku gaareen madaxda Dowlad Goboleedyada Jubba iyo Koofur Galbeed Soomaaliya.
Khilaafka labada maamul ayuu sheegay iney salka ku haysay arimaha soo xulashada barlamaanka hase ahaatee haatan laga heshiiyay.
Dhanka kale waxaa uu sheegay in qodobadii laga wada hadlay ay kamid yihiin sidii loo wajihi lahaa siyaasad mideysan oo kasoo baxda shirweynaha qaran ee Kismaayo dhawaan ka furmi doona.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Muqdisho