Baydhabo(INO)- Ku Simaha agaasimaha wasaaradda Caafimaadka ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliy Isaaq Fanax ayaa ka hadley, Xaalada Dad ku dhacey Cudurka Shuban biyoodka Ee ku jiro Isbitaalka Degmada Baydhabo, oo dhawaan ka dilaacey Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
Agaasimaha ayaa waxa uu sheegey in la sameeyey Gudiga wacyigalinta Bulshada ka shaqeeya, isagoona xusey in hadda Cudurkaas uu yahay mid maalinba uu ku soo dhacaayo Dad hor leh isla markaana la keeenaayo Isbitaalka Weyn Degmada Baydhabo.
Wasaaradda Caaafimaadka Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Hay’ado ka shaqeeya arimaha Caafimaadka Ayaa dhawaan Sheegey in Baydhabo laga heley Cudurka Shuban biyoodka isla markaana haantan ay la il daran yihiin dad fara badan.
Ugu dambeyntii, Xilliyada Jiilaalka ayaa inta badan cudurkan ka dilaacey Gobolada Dalka, isla markaana waxaka keena Nafaafad Xumo iyo Biyo Sumeysan.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Baydhabo