Baydhabo ( INO)-Cali Cismaan Maxamed oo ah Musharrax u taagan aqalka Hoose Mudanayaasha ka soo galaya Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in Ergooyinka Beesha Silcis Gorgaarte ay bedeleen Guddiga Doorashooyinka dadban.
Waxa uu sheegay Cali Cismaan Maxamed in markii ay weydiiyeen sababta Ergadooda Rasmiga ah loo bedelay Guddiga doorashooyinka dadban ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ku yiraahdeen in looga baahan yahay in ay iska bixiyaan lacag dhan $ 20,000 oo laaluush ah.
Lacagtaas ayaa Sheegey in si bareer ah soda uu ka dhawaajiyay u weydiistay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Koofur Galbeed Maxamd C/laahi Mursal.
Dhinaca kale waxa uu sheegay Cali Cismaan Maxamed in Doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ka jirto wax uu ku sheegay Af Sooc ayna ku dulman yihiin Beelaha dega Gobolka Shaabeelaha Hoose marka loo eego kuwa Gobollada Bay iyo Bakool.
Iyadoo uu shaaca ka qaaday Cali Cismaan in cadeymo ay u hayaan Musuqmaasuqa uu ku kacay Maxamed C/laahi Mursal Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer maamul Goboleed ee Koofur Galbeed Soomaaliya.
Ugu dambeyntii, Doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa horay loogu eedeeyay in Codad ay heleen Musharrixiinta qaar ee ka qeyb galay doorashadaas ay ugu shubeen kuwa looga guuleystay doorashooyinkaasi.