Muqdisho (INO) — Cabsi laga qabo Weeraro Al shabaab ka geestaan Muqdisho, ayaa Dowladda Federaalka waxay Ciidan badan oo Soomaaliya & AMISOM dhigtay Wadooyinka Muhiimka ah markii Ramadaanka billowday.
Wasiirka Amniga DFS C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa sheegay in Ciidamada Amaanka Soomaaliya Heegan buuxa la galiyay si looga hortago Weeraro Al-shabaab ay ka geeystaan Magaalada inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan.
Wuxuu intaasi ku daray in Heegan kaan Ciidamada Amniga la galiyay uusan aheyn Bisha Ramadaan oo kaliya balse uu socon doono ilaa la waayo wax Amaanka Caqabad ku ah oo ka dhaca Dalka.
Wasiirka & Taliyaasha Booliska, Nabad Sugidda iyo Asluubta, ayaa Habeen hore socod ku maray Wadooyinka ugu amaanka wanaagsan ee Muqdisho sidan tan Makka Al Mukarama, iyadoo Ujeedka yahay inay Shacabka tusaan inay shaqo hayaan.
Waxaa Xusid mudan in iyadoo Wadooyinka oo dhan ay xiran yihiin ay Al shabaab ka fuliyeen Muqdisho dhowr Weerar oo laga xusi karo kuwii SYL hotel & Central Hotel oo ku xigeenka Ra’iisul Wasaaraha lagu dhaawacay.
Idale News Online – Muqdisho