Muqdisho(INO)Shir ballaaran oo ay ka qaybgaleen Siyaasiinta, Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Badbaado Qaran iyo Axsaabta ku bahoobay Madasha Midnimada iyo Dimoqraadiyada ayaa lagu lafaguray arrimo ahmiyad weyn u leh Geeddi Socodka dib u dhisidda Qaranka, waxaana ka mid ah:
1. Geeddi Socodka 2016:
Iyadoo la garwaaqsaday in Hoggaanka Dalku ku guuldaraystay in aragti iyo barnaamij cad uu ka soo saaro geeddi socodka 2016,
Iyadoo aan wax shaqo ah laga qaban qabyo-tirka Dastuurka iyo Shurrucaha saldhigga u ah doorashooyinka iyo Axsaabta,
Iyadoo aanay ka muuqan madaxda Qaranka rabitaan iyo dadaal ku wajahan in doorasho ka dhacdo Dalka,
Iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay soo wajahday jahawareer Siyaasadeed oo looga weecinayo si toos ah iyo si dadbanba in muwaadiniintu wax doortaan lana doorto,
Iyadoo ay muuqato kala qaybsanaan siyaasadeed oo sii kordhaysa iyo xaalad ba’an ee xagga Amniga iyo Maciishadda.
Ayaa Madashu:
- Waxay adkaynaysaa aragtida ah: xalka kaliya ee lagu gaari karo Dawladnimo iyo xasilooni dhab ah inay tahay doorsho muwaadiniintu doortaan wakiiladooda iyo madaxdooda. Waa suurto gal in doorasho dhacdo ayadoo la adeegsanayo hanaanka doorashada ku dhisan nidaamka “Proportional Representation”.
- Waxay si buuxda uga soo horjeedaa wax kasta oo aan ahayn doorasho, waxaanay diiidan tahay mudo kororsi iyo in awoodda Shacabka la siiyo kooxo iyo shakhsiyaad soo xula wakiilo aan dadka matalin
- Madashu waxay sida ugu dhaqsaha badan u qaban qaabin doontaa Shirweyne Qaran oo looga tashanayo masiirka Qaranka iyo hirgelinta doorashada waxayna la kaashan doontaa waxgaradka qaybaha bulshada iyo cid kasta oo danaynaysa in Madasha ay kala shaqayso doorasho ka dhacdda Somalia.
- Waxay ugu baaqaysaa beesha caalamka iney tixgeliyaan baaqa iyo rabitaanka shacabka gacanna ka geystaan doorasho laga qabto Dalka 2016.
2. Mushaar la’aanta Ciidamada iyo Shaqaalaha Dowladda
Waxay Madasu ka xanuunsanaysaa xaaladda nolosha ee Ciidamada iyo Shaqaalaha oo aan mushahar qaadan muddo dheer, Waxaa wax laga xumaado ah in dakhligii lagu bixin lahaa mushaarooyinka loo isticmaalay hawlo aan mudnayn. Dakhligaasi oo ku dabooli karey baahida jirta
Waxaa nasiib darro ah in la qiimayn waayo doorka sharafta leh ee Ciidamada iyo Shaqaaluhu ka soo qaateen midnimada, sharafta iyo xorriyadda Dalkeena Somalia.
Haddaba, waxaa Madashu ugu baaqaysaa hoggaanka Dalka iyo Xukuumadda in si dhakhso ah loo bixiyo xuquuqda Ciidamada iyo Shaqaalaha,
Waxay Madashu taageeraysaa soona dhaweynaysaa go’aanka xafiiska Hanti- dhowrka Guud ee Qaranka oo ah in la xakameeyo kharashyada kale ee Dawlada oo mudnaanta kowaad la siiyo mushaharooyinka Ciidamada iyo Shaqaalaha
3. Boobka iyo Ku Takrifalka Hantida Qaranka
Waxaa caadi noqotay in la boobo hantidii ma guurtada ahayd ee Qaranka iyo goobihii adeegyada bulshada, iyadoo boobkaas ay si adag uga digeen xafiisyada qaabilsan dhawrista Hantida Qaranka, Shacabkuna dareenkiisa ka muujiyey,
Haddaba Madashu:
- Waxay si adag ugu baaqaysayaa Masuuliyiinta ku lugta leh ku takrifalka hantida Qaranka in ay ka waantoobaan si dhakhsa ahna gacanta Dadweynaha loogu soo celiyo hantida sida sharci darada ah loo wareejiyey,
- Waxay uga digaysaa cid kasta oo hanti Qaran lagu wareejiyey si kastaba ha loogu wareejiyee inay faraha kala baxaan ka qayb galka booka hantida Qaranka,
- Waxay Madashu dabagal ku samayn doontaa, iyadoo la kaashanaysa shacabka Soomaalieed, arrimaha la xiriira boobka lagu hayo hantida Qaranka.
4. Hawlaqabka Golaha Shacabka
Madashu waxay ka walaacsana tahay hawl qabadka Golaha Shacabka oo ay muuqato in dano gaar ah awgeed laga weecinayo hawlaha muhiimka ah oo ay qaban lahaayeen,
Xubnaha Golaha Shacabka waxaan ku bogaadinaynaa dadaalka ya hayaan waxaan ugu baaqaynaa inay xoogga saaraan dardargelinta Higsiga sidii doorasho loo qaban lahaa 2016.
5. Gunaanad
Madashu waxay ugu baaqaysaa shacabka Soomaaliyeed inay u midoobaan inay soo ceshedaan xaqooda doorshada. Waxaan bogaadinaynaa xubnaha sharafta leh iyo taageeryasha Madasha Midnimada iyo Dimuqraadiyadda dadaalka ay u galeen midaynta iyo diimoqraadiyeenta dalkeena.
Idale News Online, Muqdisho