Dhageyso:Munaasabad Ballaaran Oo Lagu Xusayey Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed Ee 15ka May Oo Baydhabo Lagu Qabtay

0
241

Baydhabo(INO)-Munaasabad si weyn loosoo agaasimay oo lagu maamuusayey maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15ka May ayaa maanta lagu qabtay magaalada  Baydhabo ee  Xarunta Gobolka Bay.

Munaasabadda oo lagu weynaynayey dhalinyaradii SYL ee usoo halgamay xoriyadda Soomaaliya ayaa waxaa ka qaybgalay Dhalanyaro, wasiiro ka tirsan KGS iyo Odayaasha KGS, Maamulka degmada Baydhabo iyo Xafiiska Siyaasada QM ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiintii ka qiib galey Munaasabadda ayaa kula dardaarmay  Dhamaan dhalinyarada Soomaaliyeed iney dalkooda dhistaan, isla Markaana xasuusiyey dhalinta Soomaaliyeed inuu dalku iyaga sugayo.

Ugu Dambeeyntii, 15kii May sanadkii 1943-dii ayey ahayd markii la aas aasay Ururkii gobanima doonka Soomaaliye ee SYL kuwaasoo naf iyo maalba usoo huray xoriyadda ay maanta umadda Soomaaliyeed har sanayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here