Dhageyso:Mid Ka Mid Ah Xubnihii Shalay Lagu Magacaabay Maamulka Degmada Marka oo Ku Dhawaaqay Inuu Iska Casilay Xilkiisa.

0
228

Marka(INO)__Iyadoo Gelinkii Dambe ee Shalay Degmada Afgooye  Ee Goobolka Shabellaha Hoose lagu magacaabay Xubnaha Maamulka Degmada Marka ayaa durbaba waxa soo baxaya iscasilaad hor leh oo ay soo gudbinayaan Xubno ka tirsan Maamulkaasi.

ROOTIXuseen Sheekh Cabdi Maxamed Rooti oo Maalintii Shalay lagu magacaabay inuu yahay Gudoomiye ku xigeenka Dhanka Siyaasadda  Siyaasada Ee Degmada Marka ayaa sheegaya inuu iska casilay Xilkii isaga loo magacabay.

Xuseen Sheekh Cabdi  ayaa sababo kala duwan u yeelay iscasilaadiisa, isagoona sidoo kale ugu baaqay dadka isaga la mid ah inay iska Casilaan.

“Waxaan xilka isaga dhigay  damiirkay waa isiin waayey inaan la shaqeeyo kooxdii Shabelle State ee weli uuu muuqdo dhibaatadee ay dadkay u geysteen” ayuu yiri Xuseen Sh Cabdi Rooti.

“Iscasilaaday 3 qodob ayaan u daliishanayaa

  • Anigoo aan laygala tashan ayaa xilka lay magacaabay,
  • diyaar uma ihi inaan la shaqeey dad kasoo jeeda gobalada dhexe, waa Sida Hadalka U dhige e.
  • heshiiskii Degmada afgooye lama dhaqan lama dhaqan gelin Maamul magacaabid ayaa laga dhacay dadkaygana weli way ka maqanyihiin Magaalada” ayuu hadalkiisa siiraaciyey Xuseen Sh Cabdi Rooti.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Marka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here