Daanyeerey (INO) – Wararka Caawa kusoo dhacay Warqabadka Idale News Online ayaa sheegaya in Ciidanka Ethiopia ay Weerar Cirka ah ka geesteen Gobolka Shabeellaha Hoose.
Diyaarad Nooca Muqaatiga u kaca ee Helicopter-ka ah ayaa waxay dhowr Gantaal ku dhufatay Deegaanka Daanyeerey ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo ay Dhibaato ugu geesteen Dad Shacab ah oo aan waxba ka galabsan.
Dadka Deegaanka qaarkood oo aan la hadalnay ayaa sheegay in Weerarka uu ahaa mid ay Ciidanka Ethiopia ugu aar-goosanayaan Weerar Al shabaab ay ugu geesteen Khamiistii lasoo dhaafay inta u dhaxaysa Leego & Buur-hakabo,kaasi oo Khasaaro badan kasoo gaaray.
Xaaladda Deegaanka Daanyeerey ee Duqeynta ay ka dhacday ayaa Caawa ah mid casbi leh, iyadoo Shacabka ay ka baqayaan Duqeymo dheeraad ah oo Ciidanka Ethiopia halkaasi ka fuliyaan.
Fah Faahinta Khasaaraha ka dhashay Duqeynta kala soco Wararkeena danbe Insha Allah.!
Idale News Online – Xafiiska Afgooye