Dhageyso:Maxamuud Sayid: “Madaxweynaha Lixda Gobol Ee Koonfur Galbeed waa Aniga”

0
219

Garbahaarey (INO) – Madaxweyne ku xigeenkii Maamulka Koofur Galbeed ee Lixda Gobol, Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in uu hadda yahay Madaxweynaha Maamulkaas, kedib markii uu Madaxnimada Wasiirnimo Dhaafsaday Madoobe Nuunow.

Madoobe Nuunow ayaa Noqday mid ka mid ah Wasiirrada Maamulka Koofur Galbeed ee uu Hoggaamiyo Shariif Xasan Shiikh Aadan, waxaana Maalin ka hor loo Magacaabay Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Maamulkaas.

Halkan Ka Dhageyso.

Marka la Fiiriyo Madoobe Nuunow waxaa uu ahaa Nin ay inta Badan Taageersanaayeen Maamulkiisa Dadka Gobollo Lix ah oo ay Qorsheynayeen in ay ka hirgeliyaan Gobollada Koofureed ee Dalka, hase ahaatee waxaa lagu Kordhisay Maamul kale, kedibna waxaa lagu qanciyey in Wadahadal uu u Furanyahay, intaas wixii ka Dambeeyayna waatan Wasiirka laga dhigay.

Idale News Online –  Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here