Dhageyso: Dowlada KGS Oo Sheegtey In Ay Ku Guuleysatey Qaadista Isbaarooyinkii G/sh/Hoose

0
205

Marka(INO)-Dowlada  Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay ku guuleysteen xal u helidda Isbaarooyin dhowr oo yaallay deegaanno ka mid ah gobalka Shabellaha Hoose, kuwaasi oo shacabka lagu dhibaateyn jiray.

Wasiirka Beeraha maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi oo u waramay Warbaahinta , waxa uu sheegay in wafdi wasiiro oo maamulkaasi ka mid ah ay socdaal ku mareen deegaanada gobalkaasi kuna guuleysteen jid walba oo Isbaaro taallay in la qaado.

Ciidamo amaanka suga ayuu sheegay in ay halkaasi ku sugan yihiin, islamarkaana aanu jirin wadada dheer ee Marka wax isbaaro ah oo taalla.

Dhinaca kale wasiirka ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan inay isku furmaan dhammaan wadooyinka gobalka Shabellaha Hoose, ayna hadda ku guuleysteen nabadeenta Gobalka.

Halkan Ka Dhageyso.

Wafdi wasiiro Koonfur Galbeed ah oo kormeer ku sameynayay wixii ka fulay heshiis dhawaan degmada Afgooye ay ku gaareen Laba Beel oo dagaallantay ayaa maalmahaan socdaal ku marayay deegaanada gobalka Shabellaha Hoose.

Idale News Online, Xafiiska Marka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here