Buurhakaba (INO)—Wararka laga helayo Degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in Maleeshiyaad Hubeysan ay Weerar khasaaro geystay ku qaadeen Degaanka Lafoole oo gacanta ay ku hayaan Xarakada Al Shabaab.
Weerarkan ayaa maleeshiyaad hubeysani waxey ku qaadeen Degaanka Lafoole oo qiyaas ahaan 30Km dhanka waqooyi bari uga beegan Magaalada Buurhakaba ee Gobolka Bay.
Dadka Degaanka qaarkood oo la hadlay IdaleNews.com ee Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in Weerarkaasi lagu Dilay ugu yaraan 5 Ruux islamarkaana lagu afduubtay 15 kale oo Odayaal Dhaqameed ah.
Odayaashan laga qafaashay Degaanka Lafaoole ayaa maalmo ka hor waxey u yimaadeen sida la sheegayo xalinta xiisado beeleed oo ka aloosan Duleedka Magaalada Buurhakaba ee Gobolka Bay.
Weerarkan lagu qaaday Degaanka Lafoole ayaa waxuu salka ku hayaa anooyin qabiil oo ku saleysan murun ku aadan Ceelbiyoodyo iyo Dhul-daaqsimeed ku yaala Degaanka Lafoole oo qiyaas ahaan 30Km dhanka waqooyi bari uga beegan Magaalada Buurhakaba
Ilaa iyo hada ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay oo ku aadan Weerarkan lagu afduubtay Odayaal Dhaqameedkaasi oo ku sugnaa Degaanka Lafoole ee Gobolka Bay.
Halkan Ka Dhageyso
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.