Dhageyso:Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Sababaha Soomaaliya Ay U Dooratay Nidaamka Federaalka

0
195

Kismaayo(INO) Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan SH Maxamuud ayaa sharraxaad ka bixiyey sababaha Soomaaliya ay u dooratay nidaamka federaalka ee xiligan dalku ku dhaqmayo,wuxuuna tilmaamay madaxweyne Xasan SH in Federaalku uu dan u wada yahay ummadda Soomaaliyeed.

Xasan_Sheekh_Kismaayo

Madaxweyne Xasan SH oo ka hadlayey munaasabadda caleema saarka baarlamaanka Jubbaland ayaa sheegay in Federaalka loo qaatay in dadweynaha Soomaaliyeed aysan eedin dowladda dhexe,wuxuuna farta ku fiiqay in shacabka deegaanadooda dowladda loogu keenay.

Madaxweyne Xasan SH Maxamuud ayaa daboolka ka qaaday in dowladda federaalka Soomaaliya aysan wax dhaliil ah ku yeelan doonin hadii ay shacabka wax u qaban waayaan maamulada ay soo doorteen.

Nidaamka federaalka ee xiligan uu ku salaysan yahay dastuurka dalka Soomaaliya ayey dad badan aaminsan yihiin inuusan ku habbooneen Soomaaliya isla markaane iska horkeenayo shacabka Soomaaliyeed.

Idale News Online, Kismayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here