Dhageyso:Madaxweyne Shariif Xasan Oo Ku Hanjabay In Al Shabaab Aragooda Lagu Diimi Doono

0
212

Baydhabo(INO)-Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku goodiyay in Shabaab lagu diimi doono aragooda iyo halka ay jaan iyo cidhib dhigaan.

Shariif

Isaga oo Warbaahinta la hadlaayay  Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan, wuxuu sheegay in Shabaab ay kordhiyeen beegsiga ka dhanka ah ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom, wuxuuna soo hadal qaaday weeraradii Shabaabka ay ka geysteen Leego iyo Degmada Afgooye.

Wuxuu kaloo Madaxweyne Shariif Xasan sheegay Shabaab inay dadka gowracan oo ay dileen si macno la’aan ah, wuxuuna arimahaasi oo dhan ku sifeeyay kuwa soo dhamaan doona oo natiijoyin cad-cad ay kasoo bixi doonaan.

“Caalamka iyo Umadda Somaliyeed waxaan leenahay Shabaab haloo midoobo, Shabaab waa lagu diimi doonaa, waxa ay u joogaan qiyaamo iyo wax Dowladnimada diidan dadka ayeey qalaan oo ay macno la’aan u dilaan.” Ayuu yiri Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Ciidamada Dowladda Koonfur Galbeed  Soomaaliya ayaa isku diyaarinaya qaadista weeraro ka dhan ah Shabaabka ku sugan Koonfur Galbeed Somalia.

Al Shabaab ayaa maanta soo bandhigay maanta sawirada meydadka Askar ka tirsan kuwa Burundi oo ay ku laayeen weerarkii cuslaa ee Jimcihii lasoo dhaafay ay ku qaadeen xerada Leego oo ciidanka Burundi ay deganaayeen.

Ugu dambeyntii Tan iyo markii la guda galay Bisha Barakeysan ee Ramadaan, Shabaab waxa ay lasoo baxeen farsamooyin cusub oo dagaalada ku aadan, xilli dagaalada looga bartay ay ahaan jireen ku dhufo oo ka dhaqaaq.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale  News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here