Dhageyso:Madaxweyne Gaas “Isbedel ayuu u baahan yahay Dalka”

0
240

Muqdisho(INO)- Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu ka hadlay Doorashooyinka Soomaaliya iyo Habsami u socodkooda.

Waxa uu sheegay Magaalada Muqdisho in maalmaha soo socdo uu ka furmi doono shirka Madasha Qaran, kaas oo looga hadlayo gaba gabeynta Doorashada 2016-ka iyo Howlaha kale ee harsan.

C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa sheegay Dalka in uu u baahan yahay isbedel, si loo helo Dowlad shaqeysa Dalka iyo Dalka, hadalkaas ayaana ah mid duraya Madaxtooyada Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Gaas shirka Madasha Qaran ee ka furmaya Magaalada Muqdisho in uu socon doono Labo maalmood, kaas oo ay ka qeyb galayaan Madaxda Madasha Qaran.

Madaxweyne C/wali Gaas ayaa hadalkan sheegay xilli uu ka soo ambabaxayay Garoonka Diyaaradaha ee Kanooko oo ku yaalla Duleedka Magaalada Garowe, isaga oo ku soo jeeday Magaalada Muqdisho.