Dhageyso:Madaxweynaha Soomaaliya Oo Sheegay Hadal Ay Ku Farxaan Haweenka Soomaaliyeed

0
251

Muqdisho(INO)- Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Haweenka Soomaaliyeed la siin doono doorkooda ku aadan ka qeyb galka Siyaasada iyo boosaskii ay ku lahaayeen Hay’adaha Dowlada.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in la sii doono kuraasta ay ku leeyihiin Baarlamaanka iyo 30% kiiba kuraasta Baarlamaanka.

Waxa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in Haweenka soomaaliyeed ay helaan xuquuqdooda ka qeyb galka Siyaasada iyo kaalintooda la shaqeynta Hay’adaha Dowlada.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkaani ka sheegay kulan gaar ah oo ay ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku nool.

Waxaana kulankaasi soo qaban qaabisay Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Sahro Cumar Xasan.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here