Muqdisho(INO)-Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa faray Madaxweynayaasha Maamul Goboledyada dalka ka jira inaysan hareer marin waxyaabihii horay loogu heshiiyay ee ku aadan Doorashooyinka Somaliya.
Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay go’aanada kala duwan oo ay saaraan Guddiyada Doorashooyinka ku howlan inay garab taagan yihiin oo ay ka shaqeynayaan sidii ay ku fuli lahaayeen.
Waxa uu sheegay Madaxweynaha iyadoo la ilaalinaayo heshiisyadii horay loo wada gaaray inay muhiim tahay fulinteeda, islamarkaana Madaxda Dowlad Goboledyada aanan laga dooneyn inay hareer maraan go’aanadii hore iyo heshiiyadiii la isla gaaray.
“Guddiyada aan u xil saarnay Doorashooyinka inay maamulaan iyo kuwa aan u xil saarnay Khilaafaadka Doorashooyinka ee heer Federal iyo heer Maamul Goboled, masuuliyada saaran inaysan dhinac uga leexan oo ay ku adadkaadaan, kalsooni badana ay qabaan iyo waxa ay ku dhawaaqaan inay meel maraan oo go’aanadooda ay meel maraan waan garab taaganahay, masuuliyiinta Maamul Goboledyada meelaha doorashooyinka ay ka dhacayaan, waxaan leeyahay wixii lagu heshiiyay yaanan la dhinac marin sidii loogu heshiiyay haloo raaco, inta naloo soo sheegay oo dib la isku keen keenay waxaana waa ay socon la’yihiin seen yeelnaa wax la yiri weli ma jiraan, waxaan u qaadaneynaa wax kasta oo horay loogu heshiiyay inay socdaan.”
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay hadii la hareer maro Heshiiyadii horay loo wada gaaray inay dhaceyso dacwooyin fara badan iyo colaad, halkaasina waqti badan uu ku bixi doono.
“Hadii aanan sidii loogu heshiinin loo dhaqangelin dacwo iyo dood ayaa ka imaaneysa waqtina waa ku dhumaa colaad iyo qalbi xumana waa ka imaaneysaa aad iyo aad halooga dhowrsado.”
Xarumaha Maamul Goboledyada dalka ka jira ayaa waxaa ka socda Doorashooyinka Aqalka hoose, waxaana meelaha qaar laga soo sheegayaa faragelin toos ah oo ay ku hayaan Madaxweynayaasha Maamul Goboledyada arimaha Doorashooyinka.