Dhageyso:Madaxweynaha Lagu Doortay Magaalada Dhuusamareeb Oo Sheegay Inuu Ka Shaqaynayo Hormarka G/Dhexe

0
244

Dhuusamareeb(INO)-Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Madaxweynaha lagu doortay Shirka ka soconaya Magaalada Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Alhu Sunna ayaa sheegay in doorashiida ka dib inu ka shaqeynayo Hormarka G/Dhexe.

Shaakir

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay uu si Cadaalad ah ugu shaqeynayo shacabka dega Gobolada Dhexe e Dalka isla markaana uu noqonayo mid ka soo baxa howshii loo igmaday.

Waxa uu sheegay in u sidoo kale ka shaqeynayo nabada iyo dib u heshiisiinta Shacabka Gobolada Dhexe.

Masuulkaan lagu doortay Shirka ka soconaya Magaalada Dhuusa mareeb kana m id ah Masuuliyiinta sar sare ee Ururka Ahlu Sunna ayaa sidoo kale sheegay in Maamulkiisa uu ka shaqeynayo deris Wanaag iyo in uu xiriir Wanaagsan la yeesho Maamulada kale ee deriska la ah sida Maamulka Puntland.

Arrintaan ayaa ku soo aadeyso iyadoo Magaalada Cadaado uu ka socdo Shir la doonayo in Maamul loogu sameeyo Shacabka Gobolada Dhexe.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Dhusamareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here