Afgooye(INO)-Madaxweynaha dowlada Koonfur Galbeed ee SoomaaliyaMudane Shariif Xasan SHeekh Aadan iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose,Madaxweynaha ayaa kasoo kicitimay degmada Marka ee xarunta gobolka SH/hoose oo uu ku sugnaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay.
Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga maamulka gobolka SH/hoose Cali Nuur Maxamed ayaa sheegay in ujeedka safarka madaxweynaha Koonfur galbeed ee Afgooye uu salka ku hayo sidii uu usoo xiri lahaa shir dib u heshiisiin ah oo Afgooye uga socda beelihii ku dagaalamay gobolka SH/hoose.
Cali Nuur Maxamed ayaa sheegay in maanta la falan qaynayo waxyaabaha soo qabsoomay iyo waxa dhiman si loo dhamaystiro,wuxuuna ka dhawaajiyey in maalinimada ah lasoo xiri doono shirka lagu heshiisiinayo beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay gobolka SH/hoose oo dhawaan laga soo saaray 9 qodob oo ay ku heshiiyeen labada beelood.
Deegaano badan oo ka tirsan gobolka SH/hoose ayaa waxaa mudooyinkii u danbeeyey ka taagnaa colaado u dhexeeyey beelo halkaa wada daga,dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer isku dayday iney soo afjarto dagaal beeleedlka SH/hoose walow aysan ku guuleysan.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Xafiiska Afgooye