Afgooye(INO)- Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maalmihii udambeeyey booqasho ku joogay gobalka Shabeelada Hoose ayaa la kulmay Odayaasha dhaqanka ee gobalka, isagoo kala hadlay qorshayaasha la xariira sugida amaanka iyo sidii looga shaqeyn lahaa horumarka iyo baahinta hanaanka maamul.
Madaxweyne Shariif Xasan ayaa ubandhigay Odayaasha dhaqanka hindisaha ah in ay keenaan dhalinyaro la tababaro si ay qeyb uga noqdaan sugida amaanka ee gobalka, isla markasna ay unoqdaan ciidamo rasmi ah.
Odayaasha ayaa soo dhaweeyey qorshahan ciidamada lagu tababarayo, waxa ayna sheegeen in ay sida ugu dhaqsaha badan ukeenin doonaan dhalinyaro laga dhigayo ciidamada amaanka ee gobalka Shabeelada Hoose oo ay marar badan ka dhacaan dagaalo iyo Isbaarooyin ay dhigtaan dhalinyaradu.
Madaxweyne Shariif Xasan ayaa sidaas oo kale la kulmay Taliska ciidamada AMISOM ee gobalkaas, oo ay ka wada hadleen sida ugu dhaqsaha badan sidii looga qaadi lahaa meelo kamid ah gobalka Isbaarooyin si sharci daro ah uyaala iyo arrimaha tababarada ciidamadan.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Afgoye