Dhageyso:Madaxweynaha DFS Oo Codsaday in Soomaaliya Laga Qaado Xayiraadda Hubka

0
224

Istanbul(INO)- Madaxweynaha dawladda Faderaalka Xassan Sheekh Maxamuud oo xalay ka hadlayay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa sheegay in ay Soomaaliya hada u baahan tahay dhismaha ciidamo Qaran oo difaaca dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in taas loo helo looga baahan yahay Qaramada Midowbay in ay qaado Xayiraadda Hubka ee saaran Soomaaliya.

Madaxweynuhu ayaa sheegay in ay dagaal kula jiraan unugyo Argagixiso ah ayna waajib tahay in Soomaaliya laga difaaco, si taas looga meelmarna looga baahan yahay in la tixgaliyo dhismaha ciidamo Qaran.

Madaxweynaha dawladda Faderaalka ayaa sheegay in ay dawladdiisu ku filan tahay dhismaha ciidamada Xooga dalka & in gacan bir ah lagu qabto hubka lasiinayo ciidamadaas, maadaama horey loo arkay fadeexado ah in deeqo Milateri oo la bixiyey dib ay u suuqyada uga Iibsadeen kooxaga xagjirka ah.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Istanbul

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here