Dhageyso:Madaxda DFS Oo Xalay Ka Qeybgalay Munaasabad Ka dDhacday Madaxtooyada Soomaaliya

0
215

Muqdisho(INO)- Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xalay lagu qabtay Munaasabad balaaran oo lagu xusayay 72 sanno guuradii ka soo wareegtay markii la dhisay Ururkii Xornimo Doonka Soomaaliyeed ee SYL, iyadoo ay ka qeybgaleen inta badan madaxda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Raysalwasaare kuxigeenka koowaad ee Xukuumada Soomaaliya ahna Kusimaha Raysalwasaaraha Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa ka sheegay munaasabadii xalay in ay xooga dalka Soomaaliya ku xisaabtamayo ay yihiin dhalinyarada Soomaaliyeed.

Raysalwasaare kuxigeenka ayaa sheegay in looga baahan yahay dhalinyarada in ay door wanaagsan ka qaataan sugida amaanka iyo ushaqeynta sidii ay udhalan lahayd dawlad Soomaaliyeed oo xoog badan.

Gudoomiyaha baarlamaanka Faderaalka Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan in ay dhalinyarado door wanaagsan ka ciyaari karaan geedi socodka siyaasaded ee dalka, wuxuuna bogaadiyey habka shaqo ee ay hada dhalinyaradu uga qeybgalayaan horumarinta dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Md Xasan Sheekh Maxamuud oo kulankan soo xiray ayaa ku dheeraaday muhiimada ay ledahay dawladnimada Soomaaliya, isagoo soo qaatay doorka dawladda Soomaaliya ay ku leeyihiin dhalinyaradu.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in ay dhalinyaradu dawladda Soomaaliya qeyb wanaagsan ka yihiin, isagoo sheegay in ay ku jiraan dhamaanba golayaasha dawladda, wuxuuna balan qaaday in ay qaadan doonaan talo fiyow oo ka soo baxda dhalinyarada Soomaaliyeed.

Idale News Online, Muqdisho

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here