Muqdisho(INO)- Afhayeenka Maamulka Jubba C/Naasir Seeraar oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maamulka Jubbaland uu soo dhaweynayo natiijada ka soo baxday Shirka iyo go’aannadii ka soo baxay.
Jubba markii hore waxaa ay ku fakar ahayd Puntland oo ku doodeysa Nidaamka degaanka in wax lagu qeybsado,halka Maamullada kale ay soo jeediyeen in Nidaamka 4.5 lagu qeybsado.
Shirka ayaa waxyaabaha ka soo baxay waxaa ka mid ahaa in Labo Aqal la sameeyo, kaas oo leh aqal sare iyo mid hoose, midna lagu soo xulo Nidaamka 4.5 halka kan kalena lagu soo xulayo Nidaamka degaanka.
Go’aannadaas waxaa isku raacay Dowladda Federaalka ah,Dowlad Goboleedyada marka laga reebo Puntland iyo Beesha Caalamka.
Seeraar waxaa uu sheegay in Jubba ay qabtay go’aanka degaameysiga,haddiise dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka ay ku heshiiyeen ay Jubba ku raacsan tahay.
Halkan Ka Dhageyo
Idale News Online,Muqidso