Yeed (INO)- Guddoomiye Cabdinaasir C/laahi ayaa xusay in wax Bakool Sare la dhaho aanu ka jirin waqtigan Gobolka Bakool, horayna Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya uu u diiday warkaasi isagona carabka ku adkeeyay in Maamulka kaliya ee halkasi ka jira uu yahay midka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Degmada Yeed e Gobolka Bakool Cabdinaasir C/laahi ayaa beeniyay in tacadi ay ka geysteen Degaano ka mid ah Gobolka Bakool ciidamada Itobiya iyo kuwa Liyuu Boolis ee Dowlda Degaanka Soomaalida Itooboiya ee ku sugan Gobolkaasi.
Isago si hadlaya Guddoomiyaha Degmada Yeed ayaa waxa u tibaaxay in xalaada amaan ee Gobolkasi ay tahay mid dagan balse xaalad nolol xmo ay ka jirto qeyba ka mid ah Gobolka Bakool.
Maalmihii dambe ayaa waxaa soo ifbaxayay maamul Cusub oo la magac baxay Bakool sare, kaasi oo looga dhawaaqay Degaano ka tirsan Gobolka Bakool iyadoona Maamulkaasi ay hormuud ka ahaayeen Siyaasiyiin ka soo horjeeda Siyaasada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Yeed