Xudur (INO)- Gudoomiyaha Degmada Xudur ee Xarunta gobolka Bakool Maxamed Macalin ayaa beeniyay in xildhibaano ka tirsan baarlamaanka aan laga soo celin Degmada Ceelbarde.
Gudoomiyaha wuxuu sheegay in xildhibaanada ay yihiin xildhibaano qaran oo gudanaya waajibaadka saaran, ayna dhawaan ku laaban doonaan degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool.
Sidoo kale wuxuu sheegay in xildhibaanadaasi ay kula kulmeen magaalada Xudur iyaga oo kala hadlay sidii wax loogu qaban lahaa shacabka magaalada Xudur ee gobolka Bakool.
Xildhibaanadaan ayaa dhawaan tagay degmada Xudur ee gobolka Bakool waxaana ay halkaasi u joogaan sidii wadahadal uu u dhexmari lahaa Koofur Galbeed Soomaliya iyo waxgaradka Degmada Ceelberde.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Xudur