Baydhabo(INO)- Gudoomiye ku xigeenka degmada Bardaale ee gobolka Bay Cali Cadow Isaaq oo wareysi gaar siyey Idalnews.com ayaa waxaa uu ka warbixiyay howlgallo ka dhan ah Ururka Al-shabaab oo maalmihii u damabeeyay ay ka sameeyeen degmada Bardaale.
Waxaana dhanka kale uu tilmaamay in howlgallada ay ka socdaan degmada Bardaale iyo deegaanada ku hareereesan, isagoona intaa ku daray in xaalada hada ay tahay mid dagan oo amni daro aysan ka jirin.
Waxaana uu sheegay in ay socon doonaan howlgallada ay sameynayaan ilaa guud ahaan degmada iyo deegaanadeeda ay ka noqdaan kuwo amnigooda la isku halayn karo.
Gudoomiye ku xigeenka degmada Bardaale oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sheegay in howlgallada ay iska kaashanayaan ciidamada maamulka koonfur galbeed iyo kuwa dowladda Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso
Cali Cadow Isaaq gudoomiye ku xigeenka degmada Bardaale ee gobolka Bay ayaa waxaa uu hadalkiisa uu imanaya xilli maalmihii u dambeeyay degmooyin ka tirsan gobolka Bay ayaa waxaa ka socday howlgallo lagu sugayo amniga.
Idale News Online, Baydhabo