Baydhabo(INO)- Wasiirka Wasaaradda Warbaafinta Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi ayaa gaarey Dalka Koonfur Afrika, halkaasi waxa Si weyn ugu Soo dhaweeyey Jaaliyada KG Soomaaliya Ee Dalkaas.
Wasiirka Wasaaradda Waraafinta iyo Wacyi-galinta Bulshada ayaa sheegey inuu Casuumad rasmi uu ka haley Jaaliyada KG Soomaaliya Ee Dalkaa, isagoona tilmaamey in uu la kulmi doono Madaxda Wasaaradda Warfaafinta Dalka Koonfur Afrika.
Wasiir Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegey ujeeda safarkiisu uu daaran yahay sidii Jaaliyada KG Soomaaliya Dalka Koonfur Afrika ay ugu qiib qaadan lahayd Dhismaha TV-ga iyo Radio Afka Dowlada KGS Oo La Doonayo in dhawaan Hawada la soo galiyo.
Ugu dambeyntii, Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi-galinta Bulshada Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa dhawaanahan, waxa uu wadey Safaro uu ku bixinayey Dalalka bariga Afirka, Kenya, Uganad iyo Dalka Itoobiya, isgoona la kulamay Jaaliyadaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Dalalkaas.
Halkan Ka Dhagayso Wareysiga oo uu Qaadey Wariye Maxamed Aadan Socodaal.
Idale News Online, Baydhabo