Dhageyso:Kenya Oo Sarkaal Sare Oo Dhanka Amaanka ah U Magacowday Gobalka Waqooyi Bari Kenya

0
262

Garisa(INO)– Dawladda Kenya ayaa khabiir cusub oo dhanka amaanka ah umagacowday gobalka Waqooyi bari ee dalka Kenya, kaas oo ay ka jiraan amaan daro oo saameyn ku yeeshay guud ahaan adeegyadii gobalkaas.

Khabiirkan cusub ee lamagacaabay ayaa shaqadiisu ay noqon doontaa sidii uu kor ugala socon lahaa arrimaha amaanka ee gobalkaas, oo ay dagaalo ka wado Xarakada Shabaab ee ka dagaalamaysa Soomaaliya.

Sarkaalkan la magacaabay ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Cali Saalax, waxaana uu mudo ka mid ahaa Saraakiisha amaanka ee dalka Kenya, gaar ahaana kooxaha khabiirada ah.

Wasaaradda Arrimaha gudaha ee dawladda Kenya ayaa sheegtay in gobalka Waqooyi Bari Kenya ay xooga saari doonto amaankiisa, markii ay Shabaab marar badan weerareen xarumo kala duwan.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Garisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here