Garowe(INO)- Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa si kulul ugu hadlay Tartanta Kubbada Kolleyga Gabdhaha Soomaaliyeed ee maanta ka furmaya Magaalada Garowe.
Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir ayaa sheegay in la doonayo in la fasahaadiyo Gabdhaha Muslimiinta ah, lana doonayo in Cooradooda banaanka la soo dhigo.
Waxa uu sidoo kale sheegay in ay marar badan kala hadleen Wasaarada Cayaaraha iyo Maamulka Gobolka Banaadir balse aysan dhageysan hadalkooda iyo talooyinkooda.
Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa sidoo kale sheegay Tartanka Kubadda Kolleyga ee maanta ka furmaya Magaalada Garowe in uu yahay mid khatar ku ah Diinta Islaamka iyo Akhlaaqda Qofka Muslimka ah.
Tartanka Kubadda Kolleyga ee maanta ka furmaya Magaalada Garowe ayaa waxaa ka qeyb galaya Maamulka Gobolka Banaadir, Puntland, Hirshabeelle, Galmudug iyo Jubbland.