Marko(INO)- Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa Arbacadii nolosha ku qabtay mid ka mid ah Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, gaar ahaan askari ka tirsan Ciidanka Uganda.
Gudoomiyaha Ururka Al Shabaab ugu magacaaban Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegay in askarigaasi ay ku soo qabteen hawlgal gaar ah, oo ay ka sameeyeen Gobolka Shabellaha Hoose.
Sheekh Maxamed Abuu Osama, ayaa sheegay in askarigaasi la soo qabtay, isagoo ku hubeysan qori AK47 iyo booshkiisa iyo weliba gumaca qoriga sabanka/baasuukaha.
Gudoomiyaha, ayaa xusay in ay soo bandhigi doonaan magaca askarigaasi iyo wareysiga laga qaaday, isagoo ku labisan dareyskii iyo hubkii lagu soo qabtayba.
Gudoomiyaha, ayaa ugu bishaareeyay soo qabashada askariga shacabka ku dhaqan Gobolka Shabellaha Hoose, gaar ahaan dadkii ay bilowgii toddobaadkan Ciidamada Amisom ku dileen Gobolkaasi.
Maadaama askarigan uu ku jiro gacanta Ururka Al Shabaab, ayuu sheegay in waxa uu suggaa ay tahay, in la horkeeno maxkamad, si ay xukun ugu qaadaan.
Qabashada askariga u dhashay Wadanka Uganda, ayaa ku soo aadaysa, maalmo ka dib 11 qof oo rayid ahaa, oo Ciidanka Uganda ay siyaabooyin kala duwan ugu dileen Gobolka Shabellaha Hoose.