Muqdisho(INO)- Wasiirada Haweenka iyo Xaquuqda Aadanaha ee dawladda Soomaaliya Sahro Maxamed Cali Samatar oo manta booqatay Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa furtay Iskuul cusub oo ay wax ku baran doonaan Haweenka la xukumay ee kujira Xabsiyada magaalada Muqdisho.
Wasiirada ayaa sheegtay in ay talaabadan uqaadeen markii ay arkeen baahida weyn ee loo qabo in la helo meel wax lagu baro Haweenka Soomaaliyeed ee Maxkamadaha dalku xukumeen, hadana ku jira Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.
Marwo Sahra ayaa balan qaaday in ay mar kasta la socon donan xaaladaha gabdhaha Soomaaliyeed ee kuxiran Xabsigan, waxa ayna boorisay in loo baahan yahay in ay Askartu si wanaagsan ula dhaqmaan Haweenka iyo guud ahaanba Maxaabiista hada ku jira Xabsiga dhexe.
Dhismaha Iskuulkan cusub oo ku dhex yaala gudaha Xabsiga dhexe waxaa maalgalinaya Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ubadan Kuwa Jaamacadaha Muqdisho, iyadoo ujeedadu tahay in ay aqoontooda uga faa’iideeyeen dadka ku jira Xabsiga, gaar ahaana qeybta Haweenka.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Muqdisho